Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii hore ee Danab oo beeniyay Warar been abuur ah oo laga faafiyay

Taliyihii hore ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Ismaaciil Cabdimaalik ayaa beeniyay warar  lagu faafiyay baraha bulshada qaar iyo warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab, waxa uuna xusay in wararkaasi yihiin kuwa la doonayo in lagu sumcad dilo.

Ismaaciil ayaa sheegay in uusan jirin wax ciwaan ah oo baraha bulshada ku leeyahay, waxa uuna xusay in ay jiraan ciwaano si been abuur ah magaciisa lagu sameestay ,kuwaa oo lagu qoro warar been ah .

Waxa uu sheegay in uu layaabay in war maanta lagu baahiyay warbaahinta Al Shabaab oo soo xignaya ciwaan been abuur ah qoraal lagu qoray, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin warkaasi uuna yahay mid iyagu ay sameesteen haddana soo xigteen sida uu tilmaamay.

Taliyihii hore ee Danab ayaana sheegay in ay socdaan qorshe lagu xirayo ciwaanada magaciisa lagu sameestay ee been abuurka ah, waxa uuna dadka ku wargaliyay haddii ay arkaan ciwaan magaciisa ku sameesan in ay dacwad ka gudbiyaan una qaataan in uu yahay been abuur.

Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha qaarkood ayaa baahiyay qoraal ay kasoo xigteen ciwaan lagu sameestay magaca Ismaaciil oo kooga hadlayay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Galgac ee lagu dilay askar badan oo katirsanaa ciidanka Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Wasiir kasoo noqotay Maamul goboleed kuyaala Somalia oo Mareykanka xil ka qabatay

Cabdi Cade

Jendayi Frazer oo kashiftay dalal doonayey aqoonsiga Somaliland & qaar diidanaa

Caydiid Ali

Turkiga oo Afrika ka furanaya Saldhigii Labaad iyo Jaziirada Sawaakin oo lagu wareejinayo

admin
Taboola Ads ---