Allbanaadir.com
NEWS

Shir Qaran oo nuuciisu cusub yahay oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka, kaaas oo markii ugu horreysey Soomaaliya lagu qabanayo.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka oo shirka ka hadlay, ayaa sheegey in maalmaha uu socdo diiradda lagu saarayo kaalinta Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta, ilaalinta, iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha.

Waxa uu sidoo kale dul-istaagay in tani ay fursad u tahay in la isdhaafsado aragtiyo wax-ku-ool ah, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hey’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo beesha caalamka, si wadajir looga shaqeeyo dhismaha mustaqbal ku dhisan caddaalad, sinnaan, iyo xurmeyn buuxda oo la siiyo xuquuqda aadanaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qeybgalay qaar ka mid ah safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ciidanka Xoogga DDS oo markii u horeysay la siiyey gaadiid dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray War Saxaafadeed Digniin ah (Akhriso)

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Xuska Munaasabada 1-da Luulyo oo caawa ka socota Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---