Allbanaadir.com
NEWS

Kaaraan oo ku guuleesatay koobka kubadda cagta Degmooyinka G/Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoonsiiyay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad Xulalka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan kadib markii ay 2-0 ugu badiyeen dhigooda Degmada Gubadleey.

Cayaar aad u xiiso badneed oo galabta ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ayaa waxaa usoo daawasho tagay kumanaan taageerayaal ah oo xiiseeya cayaaraha, iyo madax kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir & Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo u diray dhamaan Kooxaha ka qeyb galay Tartanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad, Guddiga Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Laamaha Amniga iyo guud ahaan inta ka qeyb qaadatay habsami u socodka Tartanka inta uu soo socday.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xusay in la xoojin doonno qabashada Tartamada kala gedisan ee Cayaaraha, maadaama isboortiga uu yahay is-dhex gal bulsho iyo Nabad, sidaana uu ku xeran yahay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad 2024.

Related posts

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamo huwan ah iyo kooxda Al Shabaab oo hadda socda

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Birmadka Madaxtooyada Puntland oo dhoolo tus sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Khayre oo saaka gudoomiyey Shir muhiim ah oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---