Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamo katirsan Birmadka Madaxtooyada Puntland oo dhoolo tus sameeyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay Ciyaal weero fal dil ah geystay (Sawirro)

Caydiid Ali

Askarigii dilay Xildhibaanad Juweyriya Subcis oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo balanqaad u sameysay qoysaska ku agoontoobay Qaraxyadii Soobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---