Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga dalka oo u daatay godod ay Al Shabaab ku dhuumanayeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland , ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Howlgalkan ay ciidanka huwanta ah fuliyeen , ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Qumbi eeĀ  kstirsan gobolka Jubadda Hoose, halkaas ay ku dhuumaaleesanayeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay , ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada godadkii ay ku jireen ugu daateen maleeshiyaad katirsanĀ  Al Shabaab, waxa ayna xuseen in khasaaro badan halkaas lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maanulka Jubbaland, ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Related posts

War murtiyeed ka soo baxay Beesha caalamka oo lagu taageeray hal abuurka RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo Fadeexad kala kulmay sawiro uu baahiyey (Daawo)

Caydiid Ali

Ciidamada Israil oo duqeeyay garoonka Diyaaradaha magaalada Xalab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---