Fanaan Caan ah oo soo bandhigay Talooyin looga hortagi karo Fatahaada Wabiyada

Alla weyne ha u wada naxariisto intii uu wabigu wax yeelleeyay ee fataadda biyaha ku dhimatay amaba ku dhaawacantay hantidooduna ay ku baabba’day, Aamiin.

Muslin iyo gaalo iyo nafleyda guud ee uu Mowlaheey abuuray oo dhan, masiibo haddii ay ku timaaddo waa mid ay u wada siman yihiin, waana leysaga maciinaa intii uu karaanku yahay ee ay cid waliba awoodi kareyso, maxaa yeelay waa mid maalinba qof soo mareysa oo awoodda Rabbi ku timaadda.

Marka ay nimcada Rabbi soo di’i weyso ee uu baaqdo gugii la sugayay oon iyo harraad bay dadka iyo duunyaduba u baabba’aan, haddii uu ruubku soo da’ana daadad iyo fahaad bay bulshadu u dhammaataa sannad walbana wey dhacaan masiibooyinka nuucaas ah, dadkuna ka ma garaadsadaan oo ka hor tag ma sameeyaan ee markii ay dhibaatadu ku dhacdo, ayey gebi dhacleeyaan, sidaa darteed aniga waxaa iga tala ah oo aan soo jeedinayaa qodobbadan hoos ka muuqda:-

  1. In bulshada miyiga ceelal loo sii diyaariyo, si aanay biyo la’aan ugu dhicin xooluhuna uga baabbi’in marka la gaaro xilli abaareedka oo ay qaxa barakaca ah iyo macluushuba ay joogto iska noqotay.

 

  1. In xilliga jiilaalka ah wabiyada ciidda laga saaro loona sii diyaar garoobo, in aysan biyuhu fatahaad ka dhalan, isla markaana biya xireenno cusub la sameeyo kuwii horana la dayac tiro, intii masiibada ka dib gurmad uun lagu jiri lahaa.

 

  1. In Degaanka hoose ee magaalada B/weyne iyo Jowharba wax laga beddelo haddii ay suura gal tahay, iyada oo ay Dowladda dhexe ka qeyb qaadaneyso dib u dejinta dadka lagana fogeeyo daanta wobiga uu ka jilicsan yahay ama dhul ahaan uu wobiga ka sarreeyo.

Haddaba qof walbow intaa wixii aad ku sii dari karto oo tala ah ku sii dar.

Mar kale ayaan leeyahay “Intii masiibada biyaha ku dhimatay Allaah ha u naxariisto, intii ay hantidooda ku baaba’dayna Ilaaheey cawil kheyr leh ha ugu beddelo aamiin”

Barbaariye:-
 Al Fanaan Bashiir Cali Xuseen

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -