Allbanaadir.com
NEWS

Qofkii ugu horreeyay oo dalka Kenya ugu geeriyooday xanuunka Mpox

Dowladda Kenya , ayaa shaacisay in qofkii ugu horreeyay oo qabay xanuunka furuqa daanyeerka ee Mpox, waxaa sidoo kale jira dad kale oo la ildaran xanuunkan oo lagu daaweenayo qaar kamid ah isbitaalada kuyaalla Kenya.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Kenya ayaa xaqiijisay geerida halka qof ee u dhintay xanuunka Mpox , iyo sidoo kale 13 xaaladood kale oo laga helay 11 degmo oo gudaha dalka ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Nairobi, Mombasa iyo Nakuru.

Dowladda Kenya ayaa baadigoob xooggan ugu jira 68-qof oo la tuhmayo in ay qabaan xanuunka furuqa daanyeerka, waxaana la helay saddex qof oo dadkaasi kamid ahaa , kuwaa oo al sheegay in laga helay xanuunkan lagu tuhmayay.

Wasaaradda Caafimaadka Kenya, ayaana xal u raadineysa xanuunkan Mpox oo laga cabsi qabo in dalkaasi kusii faafo, waxaana dadka lagu wargaliyay qofkii xanuunkaasi isku arka in uusan qarsan uu tago xarumaha caafimaadka si xaaladiisa loola tacaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jadwalka Doorashada labada Aqal oo fashil ku yimid iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Kumanaan dad ah oo ku dhintay Jaziirad Soomaali badan tahriib ku galeen

Cabdi Cade

(Daawo) DF oo soo bandhigtay qaabkii loo agaasimay qaraxyadii Bakaaraha & ragii fuliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---