Allbanaadir.com
NEWS

Jadwalka Doorashada labada Aqal oo fashil ku yimid iyo Sababta keentay

Waxaa fashil ku yimid jadwalkii doorashada ee ku heshiiyeen dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kadib khilaaf xoogan oo ka dhashay guddiyada doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Jadwalkii horey loogu heshiiyay ayaa dhigayay in 1-da bisha December dowlad goboleedyada dalka ka bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada aqalka sare, balse taasi ma dhicin maanta, lamana oga wali xiliga ay bilaaban doonto doorashadaasi.

Fashilka ku yimid jadwalkii doorashada ee horey loogu heshiiyay ayaa sabab looga dhigay khilaafka hareeyay magacaabista guddiyada doorashada iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wali diidan in ay soo dhameestiraan guddiyada doorashada.

Hogaamiyaasha mucaaradka ayaa sidoo kale ka biyo diidan in doorashada dalka maamulaam guddiyada doorashada ee hada magacaaban kuwaa ay sheegeen in ay u badan yihiin taageerayaasha Farmaajo iyo saraakiil Nabad sugid ah.

Doorashada Soomaaliya oo horey loo qorsheeyay in lasoo gaba gabeeyo 8-da Febraayo ee sanadka 2021-ka ayaa u muuqata mid kadib dhici doonto xiligii lagu balamay, waxaana suurto gal ah in mar kale lasoo saaro jadwal cusub oo doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo xilka ka qaaday 5 ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliyihii sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Sh/hoose & ilaaladiisa oo la qabtay

Caydiid Ali

Kursiga uu ku fadhiyo Prof Ibbi iyo kuraas kale oo la dooranayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---