Guddiga Doorashada Heer Federaal oo labo arrin oo muhiim ah u tagay Boosaaso (Sawirro)

Xubno ka mida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta gaaray Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Xubnaha guddiga Waxa garoonka Dayuuradaha  ku soo dhaweeyay Guddiga maamulka Doorashada heer Dowlad goboleed puntland (SEIT) iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada socdaalka Guddiga ayaa la xiriirta qiimayn goobaha Codbixinta Doorashada Golaha Shacabka iyo  in la dardar galiyo howlaha shaqo ee doorashooyinka.

Dhinaca kale, Xubno ka mida Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad goboleedka Jubaland.

Xubnahan ayaa kor joogtayn doona doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ku harsanayd Dowlad goboleedka Jubaland, taasoo  la filaayo in maalmahan Soo socda la doorto.

Guddiga maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Jubaland ayaa dadaal xoogan ugu jiraan inay Soo dhamaystiraan afarta (4) kursi ee ka dhiman xubnihii Aqalka Sare ku matali doona Jubaland BFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -