Al-shabaab oo dagaalyahano badan looga dilay Weeraro dhinaca cirka ah

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan maleeshiyada ururka al-Shabaab.

War-qoraal ah oo taliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyn hore oo 6-dii bishan February ka dhacday meel ku dhow deegaanka Bariire ay ku dileen 11 ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab.

Talisku waxa uu sheegay in duqeyn kale oo 7-dii bishan iyana ka dhacday meel ku dhow deegaanka Gendershe ay ku dileen afar ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab.

Taliska Mareykanka waxa uu intaasi ku daray in qiimeyntooda aysan illaa iyo hadda muujineyn in cid shacab ah ay duqeymahaasi wax ku noqdeen.

Sida uu sheegay, Maj. Gen. Gregg Olson, madaxa howlgalada AFRICOM, duqeymaha ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda Mareyakanka ku taageereyso ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.

Dhanka kale, sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka oo kaliya aaney guulo ka soo hoyn karin dagaalka lagula jiro al-Shabaab haddii ciidamada Soomaaliya aysan door lixaad leh ka qaadan.

Illaa iyo horaantii sanadkii 2017-dii, Mareykanki waxa uu kordhiyay tirada duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya.

Sida uu sheegay taliska Africom, 35 duqeyn ayey fuliyeen sanadkaa 2017-dii, sanadkii 2018kii 47 duqeyn, halka sanadkanna ay illaa iyo hadda fuliyeen 12 duqeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -