Allbanaadir.com
NEWS

Biden oo ka hor yimid arrin Israel ka damacsan tahay Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa si cad uga soo horjeestay qorshe ay Israel damacsan tahay iney ku weerarto xarumaha Nuclearka Iran iyadoo ka aargudeneysa weerarkii ay soo qaaday tehran.

Biden waxaa uu sheegay in taageerada Mareykanka ee Israel ay tahay mid aan shaki ku jirin balse uusan marna taageereynin in la duqeeyo xarumaha Nuclearka Iran

“Israel iney is difaacdo xaq bay u leedahay balse Ma taageerayo weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran” ayuu yiri Biden oo warbaahinta kula hadlay Washignton.

Hadalkan, wuxuu daah-qaadaya dookha jawaabaha Israa’iil ee weerarkii xalay inay ku jirto doonista Israa’iil ee ah inay garaacdo xarumaha nukliyeerka Iran, iyadoo isla markii uu xalay dhacay weerarka uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 12 in xubnaha sare ee Israa’iil ay qaarkood soo jeediyeen in la beegsado xarumaha nukliyeerka Iran, taas haddii aysan dhaceyna la diyaariyo howlgal lagu dilayo hoggaamiyaha sare ee Iran, Cali Khamenei.

Saameynta ay ku leeyihiin xubnaha midigta fog go’aamada Israa’iil ayaa suuragal ka dhigaya in la arki karo weerarro  culus oo ay Israa’iil ka geysanayso gudaha Iran.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dhaqaatiir ajaaniib ah oo laga afduubtay Mandhera

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo soo bandhigtay askari Ugandhays oo dalab culus u diray dowladiisa

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo soo saaray war ka farxiyey Soomaaliya iyo dalal kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---