Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyey iney xoogeysatay daacishta Somalia

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay tirada dagaalyahannada iyo awoodda Daacish ee Soomaaliya ay kordheen in ka badan labo jibbaar

Talisk ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa  sidoo kale sheegay in tirada ajaaniibta ka tirsan Daacishta Somalia ay sare maryay, taasoo ay dheertay in Mareykanka uu wali ku adeysanayo hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir Muumin in loo dalacsiiyay hoggaamiyaha guud ee Daacish

Muumin ayaa bishii June ka badbaaday weerar uu Mareykanka isku dayay inuu ku dilo, sida laga soo xigtay taliyaha guud ee howlgalka Afrika ee ciidanka Mareykanka, Jen. Michael Langley.

Ma cadda haddii tani ay u soo jiidi karto Soomaaliya howlgal caalami ah oo ka dhan ah Daacish, sida lagu arkay howlgalladii uu hoggaaminayay Mareykanka ee bariga dhexe.

Related posts

(Sawirro) Ciidanka NISA oo qabtay rag qaraxyo ka geysan rabay Muqdisho

Caydiid Ali

Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo

Caydiid Ali

Wafdigii xaqiiqo raadinta IGAD oo kulamo xasaasi ah ka wada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---