Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sirdoonka Mareykanka oo farta ku fiiqay Shakhsigii amray Dilka Jamal Khashoggi

Waaxda sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da ayaa ku tuhmeysa Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan in uu yahay shakhsigii amray dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysay ilo katirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay cadeymo la hayo ay muujineyso in dilka Wariyaha Mucaaradka uu amray Maxamed Bin Salman.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in aysan garaneynin cidda dambiga gaysatay balse ay filayaan in howlgalka noocaasi ah ee lagu dilay Jamal Khashoggi uu ahaa mid isaga uu qalinka ku duugay.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa marar badan shaaca ka qaaday in dilka Jamal Khashoggi uusan waxba kala socon Dhaxal Sugaha, waxa ayna Sacuudiga dilka Wariyaha u xirtay xubno dhoor ah ay ku jiraan saraakiil ku dhaw dhaw Maxamed Bin Salman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari fududeeyay Qaraxii ka dhacay Baledweyne oo la qabtay iyo dad kale oo waaran loo jaray

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca Somalia iyo Duqa Muqdisho oo maanta tagay xerada TurkSom (Sawirro)

Cabdi Cade

Dayuuradaha dagaalka India oo garaacay gudaha dalka Pakistan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---