Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaanka TPLF oo ka hadlay damacooda ku aadan iney galaan Addis ababa

Maleeshiyada Jabhada Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, balse aysan dooneyn inay xukunka dalka la wareegaan.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa  sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray oo uu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka, iyagoo masaafo qiyaastii 300km gaareysa kaga soo wajahan magaalada Addis ababa.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Howlgalo ka dhan ah dadka Sharci darada ku jooga Mareykanka oo bilowday

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo saxiixay sharciga heyadda NISA iyo sharciyo kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Muuse Biixi ka hor yimid qodobadii Mareykanku hor dhigay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---