Israa’iil oo tirtirtay Muuqaal la macmalay oo ay iskaga fogeyn rabtay duqeyntii Isbitaalka

Israa’iil waxay tirtirtay muuqaal ay been abuurtay oo sheegayay in koocaha Falastiiniyiintu ay mas’uul ka yihiin duqeynta ka dhacday isbitaalka Gaza

Dawladda Israa’iil iyo safiirka Isra’iil ee Maraykanka ayaa barahooda ka saaray muuqaal la soo bandhigay oo sheegaya in gantaal laga soo tuuray Qaza dhexdeeda uu sababay qaraxii dhimashada badnaa ee ka dhacay isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Gaza.

Fiidiyowga ayaa muujinaya gantaallo badan oo la ridayo, iyadoo mid ka mid ah uu u muuqday mid koorsada ka baxay oo hoos u socda, ka dibna uu xigay iftiin qarax u muuqda.

Tirtirida ayaa timid ka dib markii Aric Toler oo ah saxafi ka tirsan kooxda baarista muuqaalada ee wargeyska New York Times, uu su’aal galiyay wakhtiga fiidiyaha la duubay.

Weriyaha ayaa sheegay in muuqaalka la duubay ugu yaraan 40 daqiiqo ka dib markii qaraxu ka dhacay Isbitaalka taasoo ka dhigan inuu yahay mid la been abuuray oo Israel ay iskaga fogeyn rabtay ceebta iyo cambaareynta ka heysata weerarkan oo ay ku dhinteen ku dhowaad 800 oo qof.

Milatariga Israaā€™iil ayaa sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn weerar ay boqolaal qof ku dhinteen oo ka dhacay isbitaalka magaalada Gaza, iyagoo sheegaya in qaraxan uu ka dhashay gantaal ay si qaldan u rideen falastiiniyiinta.

Milateriga Israaā€™iil ayaa intaas ku daray in mintidiin Falastiiniyiin ah ay ka soo rideen gantaallo aad u badan goob ku dhow isbitaalka taasoo ah marmarsiiyo been ah oo gadmi weysay.

 

- Advertisement -