Allbanaadir.com
NEWS

Dilal badan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana sii kordhaya dilalka kooxaha hubeesan ka geesanayaan xaafado kala duwan oo caasimadda kuyaalla.

Dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday goob maqaayad ah oo kutaalla deegaanka Daaru Salaam ee Muqdisho, waxaana goobtaasi la weeraray la sheegay in lagu qayilayay.

Shan qof oo goobtaasi ku sugneed ayey dileen kooxda hubeesan ee weerartay, waxaana raga la dilay ku jiray kuwa da’ ah, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeesnaa ee dilka geestay.

Dhinaca kale koox hubeesan ayaa xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile ku dilay nin dhallinyaro ah, ninkan la dilay ayaa xilliga la beegsanayay ku sugnaa goob banooniga lagu ciyaaro, waxaana la sheegay in uu katirsanaa ciyaalka weerada.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilalkan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa tilmaantay dadka ay dileen in ay ahaayeen kooxo gaangistaro ah oo katirsan ciyaalka weerada iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maan-dooriyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Maamul goboleed oo taageeray Metelaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo niyada u qaboojiyay Finland Niyad jab cusubna ku riday Sweden

Cabdi Cade

Diyaaradii ay la socdeen xulka Sacuudiga oo Dab qabasaday xili ay hawada ku jirtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---