Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor iyo James Swan oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku yimid Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka halka ay mareyso, amniga iyo la dagaalanka cadawga argagaxisada, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka , mashaariicda hormurinta iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.

Madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa ku amaanay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor horumarka uu gaarsiiyay deegaannada Galmudug, waxa uuna ballanqaaday in xafiiskiisa kordhin doono taageerada Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada ay siiso Galmudug, waxa uuna sheegay in hadda Galmudug ka socdaan mashaariic badan oo qaarkood Qaramada Midoobay maalgalineyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay Shabakad dilal fulin jirtay iyo ninkii dilay…

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Itoobiya oo qalinka ku duugay heshiis Is-afgarad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo la xareeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---