Allbanaadir.com
NEWS

Weerar xooggan oo Al Shabaab saakay ku qaadeen Xero milatari oo …

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar culus waxa ay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle ee kuyaalla duleedka magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland , ayaa wararku sheegayaan in ay fashiliyeen kana hortageen weerarka Al Shabaab, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal culus oo jlbaha dhulka la isku dhigtay.

Saraakiil katirsan ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in ay hayeen xogta weerarka Al Shabaab kusoo ahaayeen Janaay Cabdalle, waxa ayna xuseen in ciidamada uga hortageen kooxda weerarka soo qaaday meel ka baxsan saldhigga milatari ee weerarka kusoo ahaayeen.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in Al Shabaab ku jabiyeen weerarkii ay soo qaadeen kana hortageen, waxa ayna xuseen in wali uu socdo howlgalka lagu eryanayo firxadka kooxda Al Shabaab ee saakay weerarka kusoo qaaday deegaanka Janaay Cabdalle.

Al Shabaab ayaa marar badan fashil iyo khasaarooyin xooggan kala kulmay weeraro dhoor ah oo ay kusoo qaadeen saldhigga milatari ee kuyaalla deegaanka Janaay Cabdalle, weeraadii ugu dambeeyay Al Shabaab ka geesteen deegaannada Jubbaland ayeyna kala kulmeen khasaarooyin aysan fileyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Khayre oo furay shir looga hadlayo ganacsiga & Maalgeshiga Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qalab Casri ah oo lagu liso caanaha naaska hooyada oo lasoo saaray (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---