Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ciidamo hor leh u diraya Bariga Dhaxe kaddib xaalad soo korortay

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheeneysa in ciidamo dheeraad ah u dirto Bariga Dhaxde, kaddib markii ay sii kordheen xiisada dagaal iyo duqeymaha u dhaxeeya ururka hubeysan ee Xisbullaah iyo ciidamada Yahuuda Israa’iil uu Mareykanku taageero.

War kasoo baxay Waaxda Difaaca ee dowladda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in ciidamo dheeraad ah u dirayaan Bariga Dhaxe, si ay ciidamadaasi u xoojiyaan ciidamada Mareykanka ee horey u joogay dalal kuyaalla Bariga Dhaxe.

Xoghayaha warfaafinta ee xarunta Pentagon-ka ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka Maj. Gen. Pat Ryder, ayaa xaqiihiyay ciidamada dheeraad ah ee loo dirayo Bariga Dhaxe, mana uusan sheegin tirada ciidamada iyo waxa ay qaban doonaan.

Dowladda Mareykanka ayaa horey Bariga Dhaxe u geysay ciidamo ka badan 40-kun oo askari, waxa ayna ciidamadan u joogaan Bariga Dhaxe sidii Mareykanka ay u ilaalin lahaayeen danahooda iyo danaha yahuuda Israa’iil .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo tagaya Garoowe iyo Isbaheysi cusub oo la dhisayo

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo Shaaciyay in Dagaalkii Al Shabaab isaga haray eedeyna u jeediyay Dowladda

Cabdi Cade

Hogaanka Ahlu Sunna oo goordhaw laga kaxeenayo Xero Inji iyo Hubkii Ahlu Sunna oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---