Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Qarax miino ayaa galabta casar gaabadkii ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab.

Sida Wararku nagu soo gaarayaan qaraxan ayaa ka dhacay degaano u dhexeeyo degmooyinka Moqokori iyo  Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gaari ay la socdeen ciidamada dowlada ayaa la sheegay iney miino dhulka lagu aasay ku qabsatay meel u dhexeysa labada degmo.

Askari ka tirsan ciidamada dowlada iyo qof shacab ahaa ku dhintay qaraxaas, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen saraakiil halkaas ku sugan.

Ciidamada ayaa xiliga qaraxaas uu qabsanayey ku jiray howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socday aagaas, iyadoo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jiray degaanadaas ay ahaayeen kuwo joogto ah todobaadyadii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cirro oo Wareegto ku soo saaray amar culus

Caydiid Ali

Dhurre Yuusuf Garow oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade

Puntland oo War ka soo saartay khilaafka hareeyey Baarlamaanka Maamulkaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---