Allbanaadir.com
NEWS

Puntland: Gaadiid hub ka keenay Itoobiya oo la weeraray

Gaadiid hub siday oo ka yimid dowlad degaanka Soomaalida ayaa la weeraray ka dib markii ay jidka u galeen maleeshiyo hubeysan oo doonayey iney boobaan.

Hubkan oo loo waday Puntland ayaa la sheegay iney gelbinayeen ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Iska horimaad muddo kooban socday oo ka dhacay degaanka Bookh ee gobolka Doolo ayaala sheegay in looga taag roonaaday maleeshiyadii weerarka soo qaaday, lamana soo sheegin ilaa hadda wax khasaare ah.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa nawaaxiga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa la sheegay in ugu dambeyn lagu simay hubkii oo si amaan ah loogu wareejiyey.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale gaadiid hub siday oo ka yimid Itoobiya lagu boobay nawaaxiga degmada Caabudwaq kaasoo ay gelbinayeen ciidan ka tirsan NISA ka dib markii ay jidka u galeen maleeshiyo beeleed hubeysan.

Related posts

Qatar Airways Oo Duulimmaad toos ah ka Bilaabaysa magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo sheegay iney fashiliyeen qaraxyo ay diyaarisay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto Howlgalada Milatari oon Xabsi la geyn doonin

admin
Taboola Ads ---