Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey iyo raggii watay oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaariga ayaa lagu qabtay Kontorolka laga soo galo Magaalada Caabudwaaq, waxaana ay hadda ku socda Baaritaano kala duwan sida ay sheegayaan saraakiisha amaanka.

Shaqsiyaad la socday Gaariga la qabtay ayey sidoo kale gacanta ku dhigeen Ciidanka Galmudug ee jooga degmada Caabudwaaq, kuwaasoo baaritaano lagu hayo.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ayaa sheegay iney saacaddaha soo socda faahfaahin ka bixin doonaan gaariga sidday waxyaabaha Qarxa ee ay gacanta ku dhigeen.

Lama oga illaa hadda halka loo waday gaariga qaraxyada laga soo buuxiyey ee lagu qabtay Caabudwaaq, iyadoo arintan aad looga hadal hayo gudaha degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Deni wuxuu Puntland u horseeday Doorasho dadweyne”

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hor yimid Magacaabista Xubnaha guddiga adeegga Garsoorka

Caydiid Ali

Waa Kuma Musharaxa Ugu cad cad Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---