Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSXULKA

Saciid Ciise: “Deni wuxuu Puntland u horseeday Doorasho dadweyne”

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa wuxuu dowlad goboleedka ku yaal Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland uu u horseeday doorasho qof iyo cod ah oo ku bilaabatay qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka, una sii socotey kuwa lagu dooranayo madaxda degmooyinka, Gofernatooreyaasha goboladda, xildhibaanada baarlamaanka, iyo madaxweynaha maamul goboleedka.

Waxaa amaan iyo dhiirogelin mudan madaxweynaha Puntland oo hormariyey dimoqaraadiyadda maamulka dowladda Puntland, wuxuuna furfuray awoodo lama taabtaana oo shacabka Puntland ku hayey nidaam gacanta ugu jira odeyaal dhaqan la yuurara iyo wadaado u hilowsan qarniyaal hore dhaqankii iyaga looga tala qaadan jirey, waxeyna labadaas kooxood ay ka soo horjeedan dowladnimada ku dhisan ku dhaqanka sharciga oo ay awoodeeda hogaaminayaan madaxda loo soo doortay awooda fulinta iyo xildhibaanada loo soo doortay awooda sharci dejinta, iyo garyaqaanada loo xilsaaray awooda garsoorka.

Hanaankaas ku dhisan dowladnimada cusub waa mid ka gudbey ku tiirsanaanta odeyaal dhaqameedka iyo wadaadada oo aan wax metelaada ku lahayn awooda dowladnimada ku saleysan dimoqaradiyada, waana sababtaas mida keentay ineysan raali ka ahayn in awooda dowladnimada dib loogu celiyo gacmaha shacabka oo ay codadkooda ku soo doortaan madaxda danahooda siyaasadeed ku metelaya maamul goboleedkooda iyo tan dowladda dhexe.

Waxaan shaki lahayn in haddii dadweynaha dib loogu celiyo awooda ay codadkooda ugu soo dooranayaan madaxdooda iney dhaceyso in shaqsiyaad siyaasiyiina oo dhaqan qowleysatanimo afduub ahaan ugu meteleyey shacabka Puntlanad ay meesha ka baxayaan, waxeyna kuwaas ay hiil ka raadinayaan xooggaga isbedel diidka ah oo ah kuwa ay dantoodu ku jirto in Puntland ay ahaato sidii qarniyadii hore ay ahaan jirtey oo ah dabcan mid awooda ismaamulka deegaanka ku soo koobta gacmo yar oo si qarsoodiya ugu tagrifa maamulka dowlad goboleedka, waxeyna kuwaas si cad ay uga soo horjeedaan in awooda gacmahooda laga maroojiyo oo talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay aayaha masiirkooda uga go’aan gaarayaan.

Waxaa nasiibdarro ah in shaqsiyaad siyaasiyiina oo waayoaragnimo durugsan u leh hayaanka ay ku jirto dowladnimadu inaysan weli fahamsaneyn macnaha kudhex  jirta gedi socodka dastuurka, waxeyna kuwaas ay meel walba ka sheegayaan inaan qodobada dastuurka waxba laga bedeli karin oo uu sidaas ku yahay lama taabtaan, waxeyna siyaasiyiintaas ay qaladaadkooda siyaasadeed ay ku dhex qarinayaan in dastuurka uu yahay wax ay iyagu danahooda shaqsiyadeed ay u sameysteen ee uusan ahayn mid ku saleysan heshiis dadweyne, sidaasna ay aragtidooda uga dhigan tahay inuu yahay aayado lama taabtaana.

Dastuur kasta waxaa loo curiyaa inuusan noqon mid fadhiida oo dhinta kadib marka ku daqankiisa laga guuro, balse waxaa laga dhigaa inuu noqdo mid nool oo wakhti walba la jaanqaada isbedelada nolosha dadka iyo isdhalanroga uu waayuhu ku soo kordhiyo wakhtiyada isbedelaya, waxaana curinta dastuurka shardi muhiima u ah in isbedel joogto ah lagu sameeyo oo waxna lagu kordhin karo, waxna laga dhimi karo, waxna laga bedeli karo, waxeyna shuruudaas ay ogolaansho buuxda siineysaa in mudaneyaasha ah xildhibaanada baarlamaanka ay awood u leeyihiin iney dastuurka ku sameeyaan isbedel, waxaana hawshaas u xilsaaran iyaga oo keliya, taas oo meesha ka saareysa siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku doodaya inaan qodobada dastuurka waxba laga bedeli karin iney gacmahooda ku doontaan cadaalad u sameynta dastuurka qodobadiisa laga guurayo iyo kuwa lagu negaanayo.

Muxaafadka iyo mucaaradka Puntland waxey dhaqan ahaan ay xaq saxa u leeyihiin iney dagaalka siyaasadeed ee ku saabsan wax ka bedelka dastuurka ay habraac uga dhigtaan iney uga dhex halgamaan gudaha baarlamaanka oo ay aragtidooda iyo dareenkooda ay ka iibiyaan xildhibaanada danahooda siyaasadeed ku metelaya baarlamaanka, kadibna ay u hogaansamaan go’aanada ay gaaraan xildhibaanada baarlamaanka oo ama ay muxaafadku ku guuleysanayaa ololahooda lagu hirgelinayo qorshahooda siyaasadeed ama ay mucaaradku ku guuleysanayaan meelmarinta aragtiyadooda Siyaasadeed.

Tilaabada loo qaaday doorashada lagu doonayo in lagu hirgeliyo mid ay si toosa shacabku ugu soo doortaan madaxdooda waxey bilow u tahay jid dheer oo ka mirodhalinteedu aysan ahayn mid sahlan, balse u baahan garasho ka durugsan dhaqan la yuurar iyo guul u quuriwaa shaqsiyaad ay ka dhaxeyso xifaaltan siyaasadeed iyo mid beeleed, laakiinse ay taas bedelkeeda tahay in caqli indheergaradnimo lagu fiiriyo waxtarka ay mustaqblka u leedahay aayaha Shacabka Puntland, balse aan danta ummadda loo burburin naceybka shaqsiyadeed ee loo qabo hogaamiyaha u adeegaya maslaxadda Puntland.

Dagaalka Puntland wuxuu salka ku hayaa ismaandhaaf shaqsiyadeed oo ka baxsan xayndaabka siyaasadeed, waxeyna mucaaradka falcelintoodu noqoneysaa mid aan salka ku hayn aragti siyaasadeed oo ahayd iney noqoto waxa keliya ee loo baahan yahay in mabda’ ahaan lagu kala aragti duwanaado, balse taas bedelkeeda ay Puntland ka socoto naceyb shaqsiyadeed oo aan wax shaqo ah aan ku lahayn mabda’ siyaasadeed oo la xiriira dhameystirka dimoqaraadiyeynta maamulka dowladda Puntland.

Dooda mucaaradka Puntland ayaa salka ku haysa in nidaamka dimoqaraadiyada meel inta la iska dhigo in la sii wado mariinkii loo mari jirey berigii hore habqeybsiga beelaha ilma Maxamud oo ay sida talanteelka ah xilka isaga dhaxlayeen, wuxuuna kaas ahaa xeerka dukaha oo ahaa xeer aan qorneyn balse cid walba ay sooyaalkeeda fahmi karto, waxaana isbedelka lagu sameeyey habdhaqankaas xukunka looga saarayo siyaasadda ku dhisan beeleysiga idman, ay argagax gelisey dhaxal sugeyaasha meertada xigta dhowrayey oo safka hore ugu jirey.

Doorasho qof iyo cod ah ma jirto qof saadaalin karta cida ay guushu ku raaceyso, waxaana muuqata in laga abaal dhacay Madaxweyne Deni oo dadaal badan ku bixiyey sidii loo casriyeyn lahaa hanaanka doorashooyinka Puntland oo laga yaabo iney suurtogal tahay in tartanka looga guuleysto waa haddii mucaaradka ay iimaansan lahayeen hanaanka cusub isbedelka uu keenayo iyo cida uu wakhtiga isbedelka saacidayo, waxaase lugooyo ugu filan Puntland in xasarad loogu abuuro jidgooyo ismaandhaaf ka dhalisay dastuurka oo tilmaameysa in la guuro ama la negaado.

Siyaasiyiinta rumeysan in isbedelka dastuurka ay ku hoos lifaaqan tahay mudo kororsi ayaan ka fekerin wakhti gaaban oo kororsiimo ku yimaada iney ka muhimsan tahay in laga wada shaqeeyo geediga oo guuristiisu ay u baahan tahay wakhti ku filan si shacabka ay u helaan siyaasad horumarsan oo u adeegida maslaxadooda lagu maamulo, islamarkaas ay siyaasyiintu talowadaag ku wada yihiin hayaanka ay geleyso Puntland oo u baahan iney shacabka ku wada dejiyaan barwaaqo ay ku negaadaan jawi xasiloon, waxeyna taas suurtogelineysaa inaan indho maangaabnimo lagu fiirin wakhti kororsiga mudadiisu yar tahay, balse indho waxgaradnimo lagu fiiriyo waxtarka ay leedahay in si wanaagsan meel fiican Puntland si wadajira loo wada dejin lahaa, waxaana xusid mudan in la fahmo waxa meel soke laga eegayo iney ka waxtar badan tahay waxa ka shisheeya oo hiigsigeeda lagu hananayo.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

 

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Magaalada Cape Town

Caydiid Ali

Doorashada Lix kursi oo lagu waday in beri la doorto oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ciyaartoy Soomaali ah oo loo diray dalka Rushka uu ka bilaabanayo Koobka Aduunka

Cabdi Cade