Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyadii 9-kii bishan lagu weeraray Hotel Saxafi oo guddi baaritaan loo saaray (Akhriso)

Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xildhibaanno ah u magacaabay baaritaanka weerarkii Qaraxyadii 9-kii bishan lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Guddoomiyaha Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarka uu geystay dhibaatooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, loona adeegsaday dareyskii cusbaa ee ciidamada xoogga dalka.

Xildhibaan Cuseen Carab Ciise Guddiga ayaa baaritaanka weerarka u magacaabay afar xildhibaan oo ka tirsan Guddiga difaaca oo ay ka mid yihiin: Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Cismaan Cilmi Boqorre.

Lama oga sharci ahaanta sida guddi ka tirsan Baarlamaanka uu guddi kale ugu magacaabi karo xaalad amni, waxaana isbarbar yaac weyn ka dhex jiraa xildhibaannada Baarlamaanka oo qaarkood ay sheegteen in weerarka loo qorsheeyay in lagu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo amar ku soo rogtay shanta dowlad goboleed ee federaalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulamo kawada Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha amaanka Q/Midoobay oo ansixiyey soo jeedintii Biden ee xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali