Allbanaadir.com
NEWS

Maher Al-Jazi oo weji cusub u yeelay dagaalka Israel & Falastiin

Maher Al-Jazi, oo ah 39 jir u dhashay Jordan oo ka soo jeeda qabaa’ilka Howeitat, ayuu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii shalay ka dhacay Daanta Galbeedka ee dhulka Falastiiniyiinta la heysto, isagoo halkaas ku dilay saddex Israa’iiliyiin ah, ka hor inta uusan ku dhiman rasaasta ciidanka Israa’iil.

Qabaa’ilka Howeitat, waa qabiil ballaaran oo degga koonfurta Jordan, gacanta gobolka Siinay ee dalka Masar illaa waqooyi-galbeed Sacuudiga.

Dadweynaha Jordan, ayaa xalay isugu soo baxay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Amman, iyagoo taageerraya howlgalkii geesinimada lahaa ee nin u dhashay dalkaas oo ka tallaabay xadka uu saddex Israa’iiliyiin ah ku dilay Daanta Galbeed.

Wuxuu ahaa darawal gaadiidka xamuulka wuxuuna noqday qofkii u horreeyay ee aan Falastiini ahayn oo ku lug yeeshay iska caabinta Israa’iil.

Si dhaqso ah waxay dhacdadan u dhalisay in laga digo waji kale oo uu yeesho duulaanka arxan-darrada ah ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiiniyiinta.

Weerarka uu fuliyay Maher Al-Jazi wuxuu walaac ku beeray Israa’iil oo u aragta inuu albaab cusub u furayo Carabta ku nool dalalka xadka la leh dhulka Falastiiniyiinta ee diiddan xasuuqa iyo go’doominta ay ku heyso Falastiiniyiinta inay isku dayi karaan inay ka soo gudbaan xadka si ay u weerarraan Israa’iil.

Related posts

Daawo Sawirada: Gaas oo la Xisaabtamay Hay’adaha Caalamiga ee Puntland ka howlgala

Cabdi Cade

Dad ka badan 200 oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeyn ka dhacday Yemen

Caydiid Ali

Wakiilada Beesha Caalamka oo Cadaadis saaraya Madaxweyne Farmaajo si uu u Ogolaado..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---