Daawo Sawirada: Gaas oo la Xisaabtamay Hay’adaha Caalamiga ee Puntland ka howlgala

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  uu shir guddoomiyey kulan ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Qorsheynta Puntaland oo ka dhacay xarunta Wasaaradda maaliyada Puntland. kulankan  oo lagula xisaabtamayey Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO) ee ka hawlgala deeganada Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kulankan ku wehelinayey, dhammaan Wasaaradaha ay ka kooban tahay Dawlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo qaar kamida ururada rayidka ah.

Kulankan oo shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa mid-mid lagula xisaabtamey waxa ay qabteen sandkii la soo dhaafay 2017 iyo qorshaha sandakan 2018 Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawl gala deeganada Puntland, iyadoo ayna Hay’ad waliba ka warbixisey wixii u qabsoomey sandkii la soo dhaafey iyo waxa u qorsheysan sanadka 2018.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey inay Puntland iyo Beesha caalamka ay ka wada dhaxeyso wadashaqeeyn wanaagsan, waxaana uu hadal kooban uu madasha ka jeediyey.

“Waxaan maraka hore u mahad celinayaa Wasaaradda Maaliyada oo nagu marti galisey xarunteeda, Beesha caalamka iyo Puntland wadashaqeynta ka dhaxaysa aadbey u wanaagsantahay meel fiican bayna mareysaa, waana kaga mahad naqeynaa wixii shaqa ah oo ay nala qabteen, inaga Xukuumad ahaan hanoqoto Wasaaradda Qorsheynta ama hay’daha dawliga ah indinkaa la idinka rabaa inaad hagtaan barnaamijkan oo aad ku hagtaan waxa muhiimka u ah deegaannada Puntland, waxaa laga yaabaa mararka qaarkood in Hay’adahan ay la yimaadaan barnaamij ayaga gaar u ah, barnaamij cidna aanay kala tashan kabacdina loola yimaado Wasaaradaha, aniga ka xafiis ahaana marwalba idinma dul joogo cida la rabo inay hagto barnaamijka iyo waxa muhiimka noo ah waa idinka, waad la socotaan dadkan waxay jecelyihiin inay qaadaan wadadan dheer oo aysan xaga iyo xagaba uga dagin, cida larabo inay ku hagto baahideena dadkana u cadaalad sameeyaan waa idinka, waxaan rajeenayaa hada ka bacdi qaadataan booska idinku aadan hawshaas iyada ah” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -