Dad ka badan 200 oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeyn ka dhacday Yemen

Dayuuradaha dagaalka Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa duqaymo ka fuliyay xalay dalka Yemen.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay halka 170 kalena ay ku dhaawacmeen duqayntan oo lala beegsaday Xabsi ku yaalla gobolka Sacda.

Sidoo kale khadka Internetka ayaa gabi ahaanba ka maqan dalka Yemen ka dib markii uu isbahaysigu duqeeyay xarunta isgaariisnta ee Xudayda.

Arrinta ayaa imanaysa iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay baaqyo kala duwan ka soo saareen dhacdooyinka u dambeeyay ee dalka Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -