Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lagu dilay Mohammad Morsi iyo xubno katirsan qoyskiisa

Ciidamada Israa’iil ayaa wali wada duqeymaha dhinaca cirka ah ay ku beegsanayaan dadka shacabka ee ku dhaaqan magaalada Gaza, waxaana daqiiqad kasta sii kordheysa tirada dadka shacabka ah ee ciidamada Israa’iil ku xasuuqayaan dhulka Falastiin.

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya ee dhulka Falastiin shalay oo Axad aheyd ayey ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza.

Weerarkaas ka dhacay magaalada Jabaaliya ayaa sidoo kale lagu dilay afar xubin oo ka mid ah qoyska Maxammed Mursi.  ciidamada milatariga Isra’il wali kama aysan hadlin dilka mas’uulkaasi katirsanaa hay’adaha gargaarka.

Adeegga Gurmadka deg degga ah ee magaalada Gaza ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dilka Maxamed Morsi uu ka dhigay xubinti 83-aad oo ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisa ee lagu dilo duullaanka Israil ku qaaday Gaza, tan iyo 7-badi bishi October.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo Shaaciyay in Ajaaniib badan qeyb ka yihiin duulaanka cusub ee TPLF

Cabdi Cade

Dhaqtar katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda (Sawirro)

Cabdi Cade

Dal 7 sano ku soo jiray dagaalo lagu riiqmay oo doorashadii ugu horeysay ay ka dhacday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---