Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo baaq ka dhan ah Itoobiya ah u dirtay dadka Soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;

In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Related posts

Silic iyo rafaad ba’an oo ka taagan goobaha buufinta Mooto Bajaajka ee Muqdisho

Caydiid Ali

Maxaa ka jira dowlada Qatar ku lug laheyd qaraxyo bilo ka hor ka dhacay Boosaaso?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Garawe ku laabtay iyo Axmed Karaash oo wax kasoo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---