Silic iyo rafaad ba’an oo ka taagan goobaha buufinta Mooto Bajaajka ee Muqdisho

Saacaddu waa 10:00pm. Goobtu waa Waaxda Dhulbixinta degmada Wardhiigley, oo ka mid ah goobaha ay ka socoto midabeynta bajaajyada. Kumanaan bajaajlayaal ah ayaa halkan saf dheer ugu jiro mootooyinkooda loo midabbeeyo. Safku waa dheer yahay oo waxay tixan yihiin ilaa Warshadda Biyaha Caafi.

Dhalinyaradaaan maanta ma shaqeysan oo ilaa xalay ayay safkaan ugu jiraan in mootooyinkooda A ama B loogu buufiyo. Maadaama Maamulka Gobolku ku wargeliyay in laga billaabo 15-ka bishaan aysan shaqeyn doonin mooto aan calaameysneyn. Shirkaddii qandaraaskaaa la siiyayna kuma filna in ay baahidaas daboosho, oo dhallinyaradii waa kuwa halkaas tuban.

Bajaajlayaashu meeshi waa ku silicsan yihiin, oo nin kasta mootadiisa ayuu salli ag dhigtay, oo ku jiifaa, qaarkoodna mootooyinka ayay ku dhex jiraan. In mootooyinka gudaha xarunta loogu xareeyo, si ay guryahooda uga hoyaadaan ayay codsadeen, waase loo diiday.

Hadda xarunta shaqo kama socoto, sababta ay xalay ilaa caawa halkaan u safan yihiinna waa in berri ama berridambe loo shaqeeyo. Dadkii maanta loo buufiyayna dhawr habeen ayay sidaan oo kale halkan ugu silcayeen. Goobtan kaliyana dhibku kama jiro ee waa culeys ka taagan xarumaha shaqadaan ka socoto.

In halkii bajaaj la diiwaangeliyo, lana buufiyo waxay qaadanaysaa saacad iyo bar ka badan, xarumaha lagu buufinayo waa 4 goobood, tirada mootooyinku waa 50,000, muddada loo qabtayna waa 21 maalmood, oo ay 6 maalin kaliya ka harsan tahay! Xalku waa in waqtiga la kordhiyo, lana badiyo goobaha lagu midabeeyo bajaajyada.

Maamulka Gobolka Banaadir oo go’aankan soo saaray kama fikirin dhibka haysta bajaajlayaashan xoogsatada ah, ee saacaan safka ugu jirta in ay fuliyaan amarkii dowladda. Guddoomiye Madaale Ilaahey ha uga cabsado silaca aan caawa soo arkay, oo ha u damqado dhallinyaradan dhibbanayaasha u ah go’aankiisa.

Waxaa Qoray: Xusseen Sabriye
Muqdisho, Soomaaliya

 

- Advertisement -