Maxaa ka jira dowlada Qatar ku lug laheyd qaraxyo bilo ka hor ka dhacay Boosaaso?

Wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka ayaa kashifay in Dowladda Qatar ay ku lug lahayd ugu yaraan mid ka mida qaraxyadii ka dhacay magaalada Dekadda ah ee Boosaaso, Gobolka Bari ee Puntland.

Warbixinta Wargeyska ayaa salka ku heysa telefoon la dhageystay oo sirdoonka dal aan la shaacin oo ka horjeeda dalka Qatar u gudbiyey New York Times, kaasoo uu diray Ganacsade lagu magacaabo Khalifa Kayed al-Muhanadi oo u dhow Amiirka dalka Qatar, isagoo la hadlaya sairka dalka Qatar ee Soomaaliya Hasan Bin Xamza Hashim.

Codka la duubay ayaa waxaa uu ganacsadaha Khalifa Kayed al-Muhanadi uu sairka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in qaraxii magaalada Boooaaso ka dhacay ay ka danbeeyeen saaxiibada Qatar si ay Boosaaso uga eryaan Imaaraadka, kadibna ay Qatar u hesho qandaraaska Dekadda Boosaaso.

Wargeyska ayaan shaacin cidda uu ka helay codkan la duubay, balse wuxuu caddeeyay inay soo gaarsiiyey hay’ad sirdoon oo dalalka ay is hayaan Qatar ka mida, taasoo ay u badan yahay inay tahay Imaaraadka Carabta, waxaana codkan la duubay 18-ka May toddobaad kadib qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu qaaday Gaariga guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Bari.

Wareysi Wargeysku la yeeshay ganacsadaha Khalifa Kayed al-Muhanadi ayuu ku qirtay inuu jiro telefoonka uu u diray Safiirka, wuxuuse sheegay inuusan wax dowlad ah meteleynin, Soomaalida oo dhanna ay saaxiibo la tahay, balse safiirka dalka Qatar ee Somalia ayaan jawaab waafi ah ka bixin su’aalihii la weydiiyey, inkastoo uusan beenin inuu jiro wadahadalkaas laga duubay.

Arrintan ayaa caddeyn u ah in dalalka Khaliijka ee isku haysta Soomaaliya oo danahooda ugu loolamaya ay qeyb ka yihiin ami darrada iyo qaraxyada Somalia ka dhaca.

Halkan ka akhriso qormada wargeyska New York Times

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -