Allbanaadir.com
NEWS

Heshiis lagu dhisayo waddooyin kuyaalla Puntland oo lakala saxiixday

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska mashaariicda dhismaha, dayactirka iyo horumarinta waddada isku xirta gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda  Puntland la saxiixatay shirkada dhismaha ee Albaashid iyo guddiga dhismaha waddada Ceeldaahir ilaa Ceergaabo.

Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo ilaa Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo.

Mashaariicda dhismaha waddooyinka Puntland oo ah canshuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey guddiga sarre ee Hay’adda waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo la saxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah :-

1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr.

– Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco

2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo Arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka digay weeraro ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo saakay gaaray degmada Buuloburde

Cabdi Cade
Taboola Ads ---