Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo Arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Salah Jama, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre.

Kulanka dhax maray ku-simaha Ra’isul Wasaaraha iyo Safriirka Mareykanka ayey uga wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey kaalmada Mareykanku uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha bani’aadamtinimada oo xiligan kamid ah kuwa ugu mudan ee u baahan in wax laga qabto.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre, ayaa dhankiisa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka iyo amniga ayna mar walbo garab taagan yihiin dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar xooggan oo lagu qaaday burcad-badeedii ee afduubatay Markabka MV Ruen

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo saaray Ammaro culus oo ku socda Wasiiradda cusub

Cabdi Cade

Doorashada ugu saameynta badan caalamka 2023 oo beri Turkiga ka dhaceysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---