RW Khayre oo ka hadlay ciyaarta galabta dhexmareysa Xulalka Somalia & Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Somalia dalka Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna Somalia  oo la cayaaraya dhiiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisul wasaare Kheyre ku yiri “Waxaan guul u rajeynayaaxulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta Qaranka, shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka.

Xulka qaranka Soomaaliya ee 23 jirrada ayaa maanta la ciyaaraya dhiggooda Itoobiya lugta koowaad ee isreeb-reebka koobka 23 jirrada qaaradda Africa.

Lugta labaad ayaa isla toddobaadkan ka dhici doonta Jabuuti oo Soomaaliya u ah HOME.

Soomaaliya ayaa maanta u billaabaneysa wajiga koowaad ee seddex waji oo loo marayo isreeb-reebka ka qeyb-galka tartanka 23 jirrada xulalka Africa oo sanadka dambe ka dhici doona Masar.

Tartankaasi waxaa ka qeyb-geli doona 8-da dal ee isreeb-reebkan kasoo baxa.

Koobkaasi xulka ku guuleysta, kan kaalinta labaad gela iyo kan kaalinta seddexaad gala, ayaa noqon doona seddexda dal ee qaaradda Africa uga qeyb-geli doona tartanka Olmobikada adduunka ee 2020-ka lagu qaban doono Japan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -