Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka socda gudaha Israa’iil iyo Xamaas oo dad badan…

Dagaallo xooggan oo saacado badan qaatay una dhaxeeya xoogaga hubeysan ee Xamas iyo ciidamada maamulka Israa’iil ayaa ka socda deegaanno ay xoog ku heestaan Yahuuda Israa’iil.

Warbaahinta caalamka ayaa ku waramaya xalay ilaa hadda in dagaalyahannada Xamaas iyo ciidamada Israa’iil ay ku dagaallamayaan 22 goobood oo katirsan gudaha Israa’iil, waxa ayna Xamaas sameenayaan iska caabin xooggan.

Goobaha lagu dagaallamayo qaarkood ayaa la sheegay in rag hubeysan oo katirsan ururka Xamaas ay ku heestaan dad badan oo Yahuud ah, wax ayna ciidamada Israa’iil isku dayayaan in ay bad baadiyaan dakaasi xoogga looga heesto.

Weerarka tooska ah iyo midka madaafiicda ay u adeegsadeen kooxda Xamaas ayaa lagu dilay in ka badan 250-qof oo Israa’iiliyiin ah, halka tiro kale oo badana iyaga oo nool gacanta u galeen dagaalyahannada Xamaas.

Israa’iil ayaa wajaheysa xaaladii ugu adkeyd muddo sannado badan ah, waxaana markan gudaha dhulka ay heesato ka socda dagaallo adag oo ay kusoo qaadeen xoogagga hubeysan ee Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo Gantaalo ku dhuftay Markabka Andromeda Star iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo la kulmay guddigii maamulay doorashadii looga adkaaday

Cabdi Cade

Daawo:- Sida ay u dhacday muddo kordhintii uu Golaha Shacabka meel mariyey

admin
Taboola Ads ---