C/Wali Muudey oo la sheegay in xarunta Baarlamaanka ka dhigay Dugsi Quraan uu leeyahay

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/Wali Muudey in Xildhibaanada ku sameeyay xadgudub.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cosoble In Gudoomiye kudigeenka Baarlamaanka oo maanta shir gudoominayay kulan ay yeesheen Xildhibaanada in xarunta Baarlamaanka ka dhigay Dugsi Quraan uu isagu leeyahay.

“Maanta qalad weyn ayuu sameyay Guddoomiye Muudeey, waxa uu xildhibaanada u diiday waxyaabo ay xaq u leeyihiin oo uu xeer hoosaadka u ogolaanayo taas ah ra’yigooda soo jedineed ama diidmeed” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadi Cosoble.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa sheegay in Gudoomiye Muudey Xildhibaanada u diiday in ay hadlaan soona bandhigaan aragtidooda, waxa uuna habdhaqanka Muudey ku tilmaamay afduub.

” Muudey Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa sheegay in aysan kaga hari doonin waxii uu maanta sameeyay Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayna arintiisa kala hadli doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka marka uu dalka kusoo laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -