Dowlada oo joojineysa in Madaxda maamul goboleedyda la kulmaan Madaxda wadamo kale !!

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku xakameyso Madaxda maamul goboleedyada dalka gaar ahaan safarada ay dalka dibadiisa u aadaan iyo madaxda wadamada ay la kulmaan iyada oon dowlada ka warheyn.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dalka ka taliso dowlada federaalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in maamulada ay si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka.

Waxa uu sheegay in Wasiirka wadamo badan ay ku dhaqmaan nidaamka federaalka balse uusan jirin hab dhaqan lamid ah kan Soomaaliya ka jira, waxa uuna tilmaamay in sharci daro ku dhaqmaan madaxda maamulada Soomaaliya ka jira.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Madaxda maamulada dalka ka jira iyada oon war galin dowlada dhaxe ay u dhoofaan dalal kale oo qaarkood cadaw yihiin lana kulmaan Madaxda dalalkaasi, waxa uuna xusay in wadamada caalamka qaarkood la isku maxkamadeeyo.

Maxamaed Cabdi Xayir ayaa afka ku adkeeyay in hada kadib aysan jiri doonin in Madaxda maamul goboleedyada ay la kulmaan madaxda dal kale iyaga oon fasax ka heysan dowlada federaalka Soomaaliya.

“Runtii majiri doono Maamul goboleed la kulmi doona Madaxweyne dal kale, isaga oo aan fasax ka heysan Dowladda federaalka sida horay u dhici jirtay waa ay iska kala kulmi jireen, iyada oo xataa dal cadow ah u safray ayuu yiri” Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sheegay in Maamul goboleedyada ay isku arkaan inay yihiin dal Madax bannaan oo wixii ay doonaana ay sameyn karaan,isla markaana Go’aamo aan lagala tashan dowladda ay fuliyaan wadankii ay doonaana ay u safraan lana kulmaan Madaxdeeda.

Go’aankan cusub ee kasoo baxay dowlada federaalka ayaana la ogeyn in uu dhaqan gali doono, waxaana uu kusoo aadaya xili uu khilaaf xoogan ka dhax jiro dowlada federaalka iyo qaar kamid ah maamulada dalka ka jira

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -