Musharaxiin Digniin kasoo saaray Doorashada Galmudug iyo labada Guddi ee la magacaabay

Waxaa mar kale soo banaan baxay khilaafka u dhaxeeya Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka iyo kooxda Ahlu Sunna, waxaana labada dhinac ay magacaabeen labo guddi doorasho oo iska soo horjeeda.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen uga hadlay labada guddi doorasho ay magacaabeen Wasaarada arimaha gudaha iyo Ahlu Sunna.

Waxa ay sidoo kale musharaxiintan ka digeen in colaad abuurto kala jiidashada geedi socodka doorashooyinka Galmudug, waxa ayna ugu baaqeen dowlada federaalka iyo Ahlu Sunna in ay ilaaliyaan dastuurka iyo heshiisyadii horey u gaareen.

Halkan ka Akhriso Warka Musharaxiinta Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -