Allbanaadir.com
NEWS

Askar Al Shabaab ka difaacday weerarkii Saldhiga Manda-bay oo la abaalmariyay

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrikom ayaa abaalmarin siiyay saddex askari oo u dhashay dalka Mareykanka ,kuwaa oo la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen askar ka difaacday kooxdii Al Shabaab ee weerarka ku galay xerada Manda-bay.

Xeradan milatariga Mareykanka ku leeyihiin dalka Kenya ayaa weerar xooggan waxaa ku qaaday 5-tii Janaayo ee sannadkii 2020-kii dagaalyahano katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo gudaha u galay xeradaasi oo aad loo ilaalin jiray.

Agaasimaha Hawlgalka ee AFRICOM Sarreeye Gaas Gregory Anderson ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey saddex sargaal oo u dhashay dalka Kenya, kuwaa oo lagu ammaanay in jawaab celin deg deg ah ka bixiyeen weerarka xerada lagu soo qaaday.

Saraakiishan oo lagu kala magacaabo Kornayl Daniel Rotich, Major Martin Muthaura iyo Corporal Peter Shikuri, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarin uga timid Mareykanka, waxaana loogu mahadceliyay dedaalkii ay sameeyeen intii weerarka socday.

“Waxaad naftiina ku ilaaliseen safka hore ee dagaalka si aad u ilaalisaan dadka kale oo aad u badbaadisaan qarankiina. Runtii tani waa mid amaan mudan, waana idinkaga mahadcelinaynaa geesinimadiina,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Anderson.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen saldhiga milatariga Mareykanka ku leeyihiin dalka Kenya ayaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan oo isugu jiray ciidan iyo qandaraasqaatayaal , waxaa sidoo kale weerarka waxyeelo kasoo gaartay askar Kenyan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Norwey oo kawada hadlay arrimo Muhiim u ah labada dal

Cabdi Cade

Somalia oo ka gudubtay habraacyada wejiga hore ee ku biirista dalladda EAC

admin

Qoraal Caawa laga soo saaray Xafiiska Gudoomiye Maxamed Sheekh Jawaari (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---