Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Kulankii Xassan Shiikh & Saraakiisha XDS (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliiska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada amiga dalka, la dagaalanka Al shabaab iyo arrimo kale

“Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda warbixinno ku saabsan howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada” ayaa lagu yiri War kooban oo ay soo saartay Villa Somalia.

Ma jiro faahfaahin kale iyo go’aano la sheegay iney ka soo baxeen kulankaas oo ahaa mid xasaasi ah oo ku soo beegmay xili dowlada Somalia ay xiisad culus kala dhexeyso dowlada Itoobiya taasoo maalinba maalinba ka dambeysa sii kordheysa.

Related posts

Madaxweyne Deni oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo loogu baaqay sameynta Afar arin si uu Imaaradka ula Heshiiyo (Akhriso )

Cabdi Cade

Xiisado & dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---