Madaxweyne Deni oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland masuuliyiinta ugu sareysa Puntland sida Madaxweyne kuxigeenka, Guddoonka gollaha wakiiladda iyo xubno ka kala tirsan labada golle ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo sidoo kale ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku maqnaa dalka dibaddiisa oo la tilmaamay in uu ka waday olole doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -