Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay xiisad ka taagan Ceerigaabo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq kasoo saartay xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka dhaceen dilal qabiil iyo deegaan ku salleysan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay inĀ  Wasiirrka uu xiriir la sameeyay maamulka iyo waxgaradka magaalada Ceerigaabo , kuwaa uu kala hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Ceerigaabo.

Xiisad u dhaxeysa maamulka Khaatumo SSC iyo maamulka Somaliland ayaa ka taagan magaalada Ceerigaabo, waxaana halkaasi saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal loo geestay ganacsato iyo dad kale ,kuwaa oo loo dilay heybta ay kasoo jeedaan dartood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Yaasiin Farey oo si deg deg ah u fashiliyay qorshihii sii deynta Abuu Mansuur

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Wefdigii Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu karaantiilay Imaaraadka

Cabdi Cade

Qaybta 1aad :-Maxaad kala socotaa hashii Mucjisada aheyd ee la siiyey Nebi Saalax CS?

admin
Taboola Ads ---