Qaar kamid ah Wefdigii Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu karaantiilay Imaaraadka

Dalka Imaaraadka Carabta waxaa ku sugan wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkii ugu horeeyay oo dibadda ah dalkaasi ku tagay tan iyo markii dib loo doortay 15-kii bishii May.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa horey qoraal ay u soo saartay ku sheegtay in safarka  Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Imaaraadka uu qaadan doono muddo labo cisho ah, hasa ahaatee Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa dalkaasi ku sugan labo maalin ka badan.

Baraha bulshada iyo warbaahinta ayaana ka bilaabatay in la isweediiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdigiisa oo saddex maalin ku sugan dalka Imaaraadka wax kulamo ahna aan la qaadan madaxda dalkaasi ugu sareysa.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah wefdiga la socda madaxweyne Xasan laga helay cudurka Caronaviris, waxaana madaxweynaha iyo xubmaha kale ee la socday la sheegay in la galiyay karantiil.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in uu ka caafimaad qabo cudurka Caronavirus balse kulamada uu la qaadan lahaa madaxda dalka Imaaraadka Carabta dib loogu dhigay sababo la xariira xubnaha la socday ee laga helay feyruska.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa heerka faafitaanka cudurka Caronavirus sare u kacay maalmihii lasoo dhaafay, waxa ayna taasi keentay in dadka laga helo cudurkaasi la karantiilo ilaa cudurkaasi laga weenayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay dalka Imaaraadka Carabta la kulanka Madaxweynaha cusub ee dalkaasi si labada dhinac uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal oo sannadihii ugu dambeeyay xumaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -