Allbanaadir.com
NEWS

Booliska DF oo xiray nin buriyey nidaamka canshuurta Iibka

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Maxamed Bashiir Axmed xarun ganacsi ku leh Muqdisho

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal baal-marsan sharciga dalka iyo in la buriyo habraacii Cashuuraha Dalka gaar ahaan canshuurta iibka ee dhowaan DF ay ku soo rogtay dadka wax iibsanaya.

Ninkan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu iska duubay oo muujinaya isagoo ku sugan goobtiisa ganacsiga, isla markaana jeexjeexaya warqada uu ku qoran tahay nambarka Merchantiga ee qaabilsan inuu macaamiisha ku diraan canshuurta iibka %5.

Sidoo kale muuqaalka ayaa muujinaya ninkan oo nambarka uu jeexjeexay ku bedelaya nambar EVC caadi ah oo aan loogu talo in loogu talo gelin in lagu diro lacagaha canshuurta iibka

Related posts

Maxay ka wada hadleen Xamse Barre & dhigiisa C/qaadir Kamil Max’ed? (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney markii ugu horeesay Garsoore Maxkamadda sare ka noqotay dal Muslim ah

Cabdi Cade

Booliska Somaliland oo caawa toogasho ku dilay Wiil soo xirtay calanka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---