Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Xamse Barre & dhigiisa C/qaadir Kamil Max’ed? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa la kulmay dhiggiisa — Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah Ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku bogaadiyey dowlada Somalia guulaha ay ka gaartay qaadista xanibaadii hubka, deynta cafinta, ku biirista dallada EAC iyo dagaalka Al-shabaab.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dalka Jabuuti ka furay shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage, oo sanadkan diiradda lagu saarayo kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Koronto la’aantii ugu xumeyd taariikhda oo ka taagan dalka Kenya

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Burcad Mooto Bajaaj ku dhici jirtay shacabka oo laga soo qabtay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dhaawacyada la dhigay Isbitaalada Muqdisho & Masuuliyiin booqatay

admin
Taboola Ads ---