Booliska Somaliland oo caawa toogasho ku dilay Wiil soo xirtay calanka Somalia

Ciidanka Booliska Somailand ee ilaalada ka ah Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorame ayaa caawa toogasho ku dilay wiil ka mid ahaa ardayda wax ka barata Jaamacadaas.

Toogashada ayaa timid ka dib markii ay isaf-gaareen wiilkan oo lebisnaa dhar laga sameeyey calanka Somalia iyo askariga wax dilay sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in wiilkan oo ka soo jeeda degaanada Puntland uu halkaas u joogay inuu wax ka barto Jaamacada Camuud ee magaalada Boorame.

Meydkiisa ayaa la soo sheegayaa in loo qaaday isbitaalka magaalada Boorame, waxaana halkaas gaaray ciidamada Booliska iyo kuwa dembi baarista Somaliland oo baaritaan ku wada sida ay wax u dhaceen.

Mudooyinkanba booliska Somaliland ayaa xarig iyo ugaarsi ku hayey dhalinyaro hablo iyo wiilalba leh oo u bareeray iney xirtaan calanka Somalia oo halkaas laga mamnuucay sababo la xiriira munaasabadii 1-da Luulyo, kuwaasoo weli ku jira xabsiyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -