Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney markii ugu horeesay Garsoore Maxkamadda sare ka noqotay dal Muslim ah

Caa’isha Mailk oo 55 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo muslim ah oo garsoore ka noqota maxkamadda ugu sareysa  dalka Pakistan, waxaana sheekada  haweeneydan si weyn u hadal heysa warbaahinta caalamka.

Haweeneydan ayaa ku biireysa 16-garsoore kale oo dhammaantood rag ah, waxaana Caa’isha Mailk noqoneysaa haweeneydii ugu horeesay oo loo dhaariyo in garsoore ka noqoto maxkamadda sare ee dalka Pakistan.

Qareenada u dooda arrimaha bulshada ayaa sheegay in dadaalkooda socday mudo ka badan 10-sano uu guul kusoo dhamaaday, waxa ayna sheegeen in guul taariikhi ah in haweeney kamid noqoto garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa Pakistan.

Dadka kunool dalka Pakistan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay haweneydan kamid noqotay garsoorayaasha maxkamadda sare ee dalka Pakistan, waxaana dadka qaar soo dhaweeyeen tallaabadan halka kuwa kalana ay dhaliileen .

Garsoore Malik, ayaa cilmiga sharciga ku baratay gudaha dalkeeda Pakistan iyo jaamacadda Harvard,ee dalka Mareykanka, waxaana labaatankii sano ee u dambeeyay ay ka shaqeynaysay maxkamadda sare ee Lahore ee bariga Pakistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=wodE3OIHo6w

Related posts

Qarax Khasaare xooggan geystay oo goor dhow ka dhacay degmada Belad-xaawo

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya 19 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo lagu dhaliilay duulimaadyada ay mudada kooban fasaxday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---