Trump oo diiday in la baaro ka dib markii uu la kulmay qof laga helay Coronavirus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in laga baaro cudurka Coronavirus ama la karantiilo, kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqabin inuu qabay cudurkan.

Trump ayaa sheegay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, loona baahneyn in la baaro ama la karantiilo, taasoo dad badan ka yaabisay.

Xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Jamhuuriga oo madaxweynaha kala qeyb galay shir dhacay bishii lasoo dhaafay ayaa si iskood ah isu karantiilay, maadaama ay gacmaha ku salaameen qofka laga helay Coronavirus.

Siyaasiyiintan oo xubno ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka, sidoo kalena uu ku jiro Senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, ayaa doonaya inay xaqiijiyaan in cudurkan uu ku dhacay iyo in kale.

Haweeney ka tirsan xisbiga Dumuqraaddiga Mareykanka ayaa iyadana is karantiishay kaddib markii ay la kulantay qof qaba Coronavirus.

Mareykanka waxaa ilaa hadda laga soo sheegay in ka badan 700 oo kiisaska Corona ah, halka 26 ruuxna ay ilaa hadda u geeriyoodeen, iyadoo maalin kasta la diiwaan geliyo kiisas cusub oo cudurkan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -