Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo booqday ciidankiisa ku sugan jiida Buuhoodle (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta boogasho shaqo ku tegay qaar ka mid ah fadhiisimada ciidamadiisa ee jiidaha u dhexeeya Qorilugud iyo Buuhoodle.

Muuse Biixi ayaa mid mid u tegay fadhiisimada ciidamada ee aaggaasi difaaca kaga jira, waxaana uu warbiximo ka dhegaystay taliyaha ciidanka qaranka sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Madaxweynaha, ayaa indho indheeyey shaqada ciidamada u hayaan iyo sida ay u gudanayaan waajibaadkooda.

Muuse Biixi ayaa beryahan abaabul iyo dhaqdhaqaaq ka waday degaano ka tirsan gobolada Sool iyo bariga Sanaag oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC

Shalay ayey aheyd markii Muuse Biixi uu booqday ciidamadiisa difaaca kaga jira degaanka Oog oo kala qeybiya beelaha dega Somaliland ee taageersan maamulkiisa iyo kuwa SSC ee ka soo horjeeda.

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in la fashiliyay qaraxii Ismiidaaminta ee caawa ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo wata Gaari Dagaal oo dhac dad badan argagaxeen ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Arday ku guuleesatay Deeq Waxbarasho oo bixisay Shirkada Hormuud (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---