Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo diiday natiijadii ka soo baxday shirkii Doha

Xamaas, ayaa War saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ku diidday natiijadii ka soo baxday wada-hadalladii labada maalin ka socda Doxa ee la soo gabagabeeyay Jimcihii.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay  Netanyahu inuu caqabad ku yahay heshiis la gaaro, kaddib markii uu ka horyimid, Xabbad-joojin joogta ah, ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee Qasa, Isgoysyada Netzarim, Isgoyska Rafah, iyo Waddada Philadelphi.

“Goobahaas hadii aysan ka baxeynin cadowga ma aqbali karno xabad joojin waanan dagaalameynaa ilaa aan dhulkeena ka xoreysano” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Israel ayaa dooneysa xabad joojin muddo kooban socota oo la isku dhaafsado maxaabiis taasoo Xamaas ay si weyn u diiday.

Shabakadda wararka Israa’iil ee Kann ayaa sheegtay inuu Netanyahu ku wargeliyay golihiisa wasiirrada inaysan sugin heshiis xabbad-joojin ah oo dhici kara inta ay Xamaas ku adkaysanayso inay ciidanka Israa’iil ka baxaan Isgoysyada Netzarim iyo Philadelphi oo uu ku sheegay heshiis kasta oo dhaca in loo baahan yahay inay ciidanka Israa’iil ku sugnaadaan.

 

Related posts

Muxuu Madaxweyne Ciro kala hadlay wakiilka Itoobiya?

Caydiid Ali

Shirkadda Hormuud Telecom oo soo bandhigtay Deeq waxbarasho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Boosaaso oo lagu qabtay xubno katirsan Daacish oo si farsameysan magaalada kusoo gali rabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---